Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo maalmihii la soo dhaafay uu shir uga socday gudaha Muqdisho, ayaa soo saaray Bayaan, dhowr qodob ka kooban.
Culumada oo dareensan xaaladda colaadeed ee uu dalka galay, iyo xadgudubka Itoobiya ee biyaha Soomaaliya, ayaa shirkooda uga hadlay sidii umadda Soomaaliyeed ay u muujin lahaayeen Midnimo.
Shirka ay culumadu yeesheen waxaa ka soo baxay bayaan seddex qodob ka kooban, kaas oo ku xusan qeybta hoose.
- Culimada Soomaaliyeed waxa ay adkeynayaan midnimada ummadda Soomaaliyeed.
- Culimada waxa ay bulshada qeybaheeda kala duwan ugu baaqayaan in ay u midoobaan difaaca dalka, kana fogaadaan wax walba oo kala fageyn karo midnimada iyo wadijraka ummadda Soomaaliyeed.
- Waxa ay culimada ka digayaan dadka ku hoowlan kicnta iyo iska horkeenka bulshada ee faafinayo hadalada aan saxda ahaayn ee lagu marin habaabinayo shacabka Soomaaliyeed.
Kulanka culumada iyo bayaankooda ayaa imanaya xilli dowladda Soomaaliya ay mowqif adag ka istaagtay qorshaha guracan ee Itoobiya ku dooneyso hanashada biyaha Soomaaliya, taas oo sidoo kalana ay shacabku si aad ah uga dhiidhiyeen.