Xogaha ayaa sheegaya in dhimashada ay ku qiyaasayaan ilaa 500 boqol oo qof, waxaana kooxaha gurmadka deg dega ay wadaan weli baadigoob ku aaddan sidii ay u heli lahaayeen dad badbaaday.
Goobta ay mashaqadu ka dhacday waxaa soo gaadhay kumanaan qof, kuwaas oo ay qaarkood adeegsanayaan gacmahooda ama qalab yaryar oo ay ku qodayaan dhulka, si ay raq iyo ruux u helaan.
Nin lagu magacaabo Solomon Tsoma ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in 13 qof oo ka mida qoyskiisu inay ku geeriyoodeen dhul-go’an, oo ay ku jiraan toddoba caruura oo uu adeerkiis uu dhalay, wuxuunta intaas ku daray inay heleen meydadka 12 ka mida, sida ay wakaaladdu daabacday.
Goodhaw Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNOCHA ayaa sheegtay in tirada dhimashadu ay kor u sii socoto ayna gaadhi karto illaa 500 oo qof, waxaana weli socda baadigoob xooggan oo ay wadaan kooxaha gurmadka.
Si Kastaba Axaddii iyo Isniintii ayey ahayd markii labbo dhul go’ ay ka kala dhaceen gobolka Koofureed ee dalkaasi dhaca bariga Africa ee Itoobiya.