Xildhibaanka ayaa ugu horeyn u hambalyeeyey Hortabin Media, isagoo arrin hididiilo leh ku tilmaamay in Hortabin ay bulshada u iftiimiso waxyaabaha ka qarsoon, maaddaama ay ku hadasho codka bulshada, oo ay adeege u tahay.
Xildhibaanka oo aan wax ka weydiinay xaaladda dalka ayaa sheegay in dalka uu ku jiro jawi dagaal iyo mid siyaasadeed oo cakiran, kuwaas oo looga gudbi karo wada hadal iyo in la isku tanaasulo.
Daahir Amiin Jeesow ayaa sidoo kale wareysiga ku sheegay in kalfadhigan diirada lagu saarayo qodobo uu ugu weyn yahay Dastuurka Kmg ah, kaas oo xilligan horyaalla Barlamanka labadiisa aqal.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo aan wax ka weydiinay waxa ay dowladnimada Soomaaliya u dhimi karto Maqnaanshaha Puntland ayaa sheegay in wadajirka wax ka wanaagsan uusan jirin, wuxuuna ku taliyey in dhinacyadu isku tanaasulaan, taas oo uu ku sifeeyey in ay ku jirto danta dalka.
Daahir Amiin Jeesow, ayaa tilmaamay in caqabada Fadhiidka ka dhigtay Hirshabelle ay tahay qal qalka ay maamulkaas ku hayaan Al Shabaab, oo uu soo jeediyey in xoogga la isugu geeyo sidii loo ciribtiri lahaa.
Xildhibaanka ayaa sheegay inuusan ka warqabin Mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaare Xamse Cabdi Barre, xilli ay jiraan xildhibaano badan oo aan ku qanacsaneyn howsha Xukuumadda.
Daahir Amiin Jeesow oo ay Hortabin Media weydiisay su’aal la xiriirta waxyaabaha ka hortaagan cadaalad u helida Kiiska Ikraan Tahliil Faarax, ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya gaar ahaan xisbiga Xasan Sheekh ay u muuqdaan kuwo ku awr-kacsaneyey kiiska Ikraan, maaddaama xiligii ololahooda doorashada ay aad u hadal hayeen kiiskan, wuxuuna dowladda ugu baaqay in kiiskaasi aan la jiifan, oo si caddaalad ah loo guda galo.
Warbaahinta Hortabin Media ayaa waqtigan xoog badan galineysa sidii ay Bulshada Soomaaliyeed ugu iftiimin lahayd culeysyada ka jira siyaasadda is diidan ee dalka, waxaana warbaahinta ay had iyo jeer heegan ugu jirtaa sidii ay bulshada Soomaaliyeed u heli lahaayeen xogo dhameystiran oo xaqiiqda ku saleysan.