Ciidamada Kumaandoosta ee Gorgor, ayaa la siiyey diyaarad casri ah, taas oo kaalin weyn ka qaadan doonta howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ee dalka ka socda.
Diyaarad oo ah nooca drone-ka ah ee aan duuliyaha lahayn ayaa lagu magacaabo “TOGAN”, waxaana Gorgor siisay dowladda Turkiga oo Soomaaliya ka taageerta arrimo kala duwan oo ay ku jiraan tababarida ciidamada.
Diyaaraddan ayaa waxaa soo saartay xaruunta Defence Technologies Engineering and Trade ee dalka Turkiga sida lagu sheegay qoraal barta Faceboogooda soo dhigeen Ciidamada Gorgor.
Diyaaradan ayaa si isku mid ah u shaqeyn karta habeenkii iyo maalintii, sida lagu ogaaday tijaabooyin kala duwan oo lagu sameeyey.
Diyaaradan casriga ah ayaa ciidamada Soomaaliya ka caawin karta helida xogaha daahsoon, waxaana sidoo kale ay kaalin weyn ka qaadan kartaa dagaalka lagula jiro Al Shabaab oo weeraro dhuumaaleysi ah ku soo qaada fariisimada ciidamada dowladda.