Madaxweynaha Dowladda Fedraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan ka qeyb galayey shirka madasha Oslo ee 2024-ka ayaa halkaasi ka sheegay in dhamaadka Al Shabaab uu ku imaan karo wada hadal oo qura.
Odhaahdaasi oo soo jiidatay xubnihi Madasha fadhiyey, ayuu Madaxweynuhu raaciyey caqabadaha ku gadaaman in wada hadal lala furo Al Shabaab, isagoo xusay in dhaqdhaqaaqa Al Shabaab uusan ahayn mid ku qotoma arrimaha gudaha, balse uu yahay mid heer caalami ah oo u baahan in loo guntado.
Culeyska ugu weyn ee hortaagan in wada hadal lala furo Al Shabaab, ayuu Madaxweynuhu ku tilmaamay in kooxdu aanay aqoosaneyn jiritaanka hannaanka dowladnimo ee Soomaaliya, taas oo meesha ka saareysa wada hadal walba oo ay dhinacyadu yeelan lahaayeen.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cod dheer ku sheegay in Al Shabaab-ta Soomaaliya ka dagaalanta aanay ahayn Soomaali oo qura, balse ay jiraan kuwo ajnabi ah oo ka yimid dalalka dariska iyo kuwo Caalamka, taas oo si cad u bidhaamineysa in go’aanka xagjirnimada ah aanay Soomaali keli ku ahayn.
Inkastoo Al Shabaab waqtigan aanay u diyaarsaneyn wada hadal, balse Xasan Sheekh wuxuu sheegay in Caalamka ay la kaashanayaan hirgalinta wada hadal dhex mara Dowladda iyo Al Shabaab, taa oo sida ay qubradu qabaan ay adagtahay suurtagalnimada lagu yagleeli karo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in ay fursado siiyaan xubnaha Al Shabaab ku jira, isla markaana ay u ugu yabooheen cafis, kaas oo ay ka faa’iideysteen kummaaan kooxda sanada badan ka tirsanaa.
Wuxuu Madaxweynuhu Tilmaamay in cafiskaasi uu horseeday in ay isi soo dhiibaan madax ka tirsaneyd aas aasayaasha Al Shabaab, kuwaas oo sida uu carabka ku dhuftay qaarkood iminka ah wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, halka kuwo kalana ay kaalin muuqata ku leeyihiin howsha ay wadaan hay’adaha amniga dalka.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad u sheegay in ay soo dhaweynayaan kuwo ka tanaasula afkaarta Al Shabaab, isagoo tibaaxay in kuwooda siyaasadda u hanqal taagaya aanay hankooda siyaasadeed dhaawici doonin afkaartii ay hore u aamisanaayeen, maaddaama ay marinkii hore ka beereyn, oo ay maanta doonayaan yagleelida nolol cusub.
Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intii uu socday shirka madasha Oslo ee 2024-ka, wuxuu soo hadal qaaday khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, oo mudooyinkii ugu danbeeyey cirka isku shareeray.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka dhaxeyso xuduud, isla markaana ay yihiin dalal ood wadaag ah oo ay duntooda isku xiran tahay, wuxuuse niyad jab ka muujiyey heshiiskii ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo sida uu sheegay wax u dhibaya jiritaanka Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in ciidamada Itoobiya ay Soomaaliya ka taageeraan sugida amaanka dalka, wuxuuna dib u milcsaday heshiis ay labada dal dabayaaqadii sanadkii tagay kala saxiixdeen, kaas oo ku qotomay dhanka Amaanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in gaarida heshiiskaasi maalmo kooban kadib, ay Itoobiya ku dhaqaaqday tallaabo lala fajaco, taas oo ahayd in heshiis dhanka badda ah ay la gasho Somaliland, taas oo ku tilmaamay arrin si xooggan u dhaawacday xiriirka labada dal.
Heshiiskaasi oo ahaa mid xadgudub ah, ayuu Madaxweynuhu tilmaamay in Soomaaliya ay garaabeen Caalamka, kuwaas oo si adag u canbaareeyey tallaabada Itoobiya, balse ma noqon mid horseeda in Itoobiya ay go’aankaasi ka baaqsato.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu danbeyntii shaki galiyey dhab ahaanshaha taageerada ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya jooga, wuxuuna tilmaamay in haba yaraatee aanay kalsooni ku qabin kaalinta nabad ilaalinta ee ciidamada Itoobiya, maaddaama xukuumadda Addis aanay aqooneyn jiritaanka Soomaaliya.
Si Kastaba Shirka madasha Oslo oo la aas aasay sanadkii 2003, ayaa ah madal qiimo badan oo ay isugu yimaadaan madaxda caalamka iyo qubaro kala duwan, oo gorfeeya qodobada muhiimka ah ee dooda mudan, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, waxaana ka qeyb galka Madaxweynaha Soomaaliya ee madashan uu lahaa ahmiyad weyn.