Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa inoo xaqiijinaya in dhawaan dalka Turkiga ay ku kulmi doonaan Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG ahayd iyo Taliyihi hore ee sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Aaden.
Kulanka labada nin ayaa diirada lagu saari doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxaana wararku sheegayaan in halkaasi lagu yagleeli doono is-baheysi cusub, oo ay yeelanayaan kooxda Nabad iyo Nolol iyo Xisbiga Himilo ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed.
Fahad iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa si toos ah isku hor fadhiisan doona, waxaana Fahad uu kulankan wakiil uga yahay Farmaajo, oo lahaa codsiga qabsoomida kulankan.
Yagleelida xisbiga ay qorsheynayaan kadib, ayaa la filayaa in ay dib ugu soo laabtaan Muqdisho, isla markaana ay halkaasi ka billaabaan olole ay ku mucaaradayaan siyaasadda Madaxweynaha kursiga Fadhiya ee Xasan Sheekh oo sanadkiisii seddexaad ee xil heynta dhawaan galay.
Xisbiyada Himilo iyo Nabad iyo Nolol ayaa indhaweydba qaadacsanaa siyaasadda Villa Soomaaliya, waxeyna Madaxweynaha ku eedeynayeen inuu talada keligii isku koobay, isla markaana uu qaatay go’aamo masiiri ah oo aanu cidna kala tashan sida arrinta hannaanka doorasho.

