Dhibaatooyinka shaqo la’aan ee dalka ka jira, ayaa kordhaya, waana arrin dhallinyarada ku riixeysa in ay u bareeraan khataro kala duwan.
Ma jirto wax shaqaale ah oo ay dowlada Soomaaliya qaadatay 5-tii sano ee uu Farmaajo dalka joogay iyo muddo xileedka iminka ee Xasan Sheekh, iyadoo muddadaas ay badanayeen dhallinyarada ka qallin jabineysa kulliyadaha kala duwan ee laga barto jaamacadaha ku yaalla dalka.
Dhallinyarada ayaa noqday, kuwo fadhiya meelaha laga shaaho iyo goobaha maddadaalada, sababo la xiriira shaqo la’aanta hareysay.
Qaar ka mid ah dhallinyarada ayey shaqo la’aantu ku xanbaartay, in ay qeyb ka noqdaan falalka amni darro ee dalka ka dhacaya, maaddaama ay yihiin dad dhaqaale doon ah, oo waayey wax fursad ah.
Dadka waxgaradka ah, ayaa ku eeddeynaya dowladihii dalka soo maray in ay dayaceen xoogga dhallinyarada, oo bulshada ka ah tiro aad u badan, waana arrinta keliftay in looga fa’iideysto daruufaha hareeyey.
Dhallinta qaarkood ayaa go’aansaday, in ay dalka isaga cararaan, oo ay tahriibaan, si ay u helaan nolol dhaanta tan dalkooda hooyo, balse badankood waa kuwo tahriibka ka dhaxlay mahadho tiiraanyo badan, maddaama ay qeybtood geeriyoodeen, kuwa kalana ay ku fashilmeen nolosha dalalkii ay magan galyada weydiisteen.
Si kastaba, dowladda uu majaraha u hayo Xasan Sheekh, ayaa looga fadhiyaa, in ay xil iska saarto, habkii ay shaqo abuur ugu sameyn lahayd dhallinyarada, oo xilligan daruufo adag maraya