15-kii June 2022 ayey ahayd markii Xasan Sheekh uu Xamse Cabdi Barre u magacaabay inuu noqdo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, taas oo lama filaan ku noqotay bulshada Soomaaliyeed , maadaama kursigan ay u hanqal taagayeen siyaasiyiin dhowr ah oo saaxada siyaasadda ku jiray muddo dheer.
Fursadaasi Xamse la siiyey ayaa u muuqatay in bulshada ay uga dhigneyd inuu la imaan doono is baddel ka duwan kuwii isaga ka horeeyey marka la eego howlaha horyaala xukuumadda, balse maanta oo hal bil ay ka dhiman tahay labadiisa sano, waxaa bannaanka taagan maamulka Puntland, oo shirar ugu danbeeyey ee golaha wadatashiga iyo kan iminka socdaba aan ka qeyb galin sababo la xiriira tabasho ay ka qabto dowladda dhexe.
Ra’iisul wasaaaraha dalka oo laga filayey inuu isku soo dhaweeyo maamulkaasi iyo dowladda dhexe, maaddaama uu ku matalo kursiga, ayaanan qaadin wax tallaabo ah oo ku aaddan xalinta khilaafkaasi, taas oo xaaladda sii cakireysa.
Qubarad arrimaha dhaqaalaha ayaa sheegaya in ay hoos u dhacday rajadii xukuumadda ee ku aadaneyd kobcinta dhaqaalaha dalka, waxaana ciriiriga dhaqaale ee jira uu saameeyey qeyb walba oo ka mid ah nolosha bulshada.
Inkastoo uu caasimadda ka socdo shirka golaha wadatashiga misana waxaa jira inuu aad u hooseeyo xiriirka ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada kaas oo iminka aan caga badan ku taagneyn, waxaana ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ay sheegayaa in khilaaf dhawaan gal ah uu soo kala dhex galay Ra’iisul wasaare Xamse iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe.
Khilaafka cusub ee Xamse iyo Axmed Madoobe ayey wararku sheegayaan inuu ka billawday, kulan uu dhawaan Ra’iisul wasaaraha la yeeshay beesha Axmed Madoobe, kuwaas oo uu ku wargaliyey in ay kala shaqeeyaan sidii uu Axmed Madoobe u baneyn lahaa kursiga Jubaland oo uu sanado badan ku fadhiyo, balse beeshu wey ku diiday go’aanka.
Axmed Madoobe oo ka duulaya isku deyga Ra’iisul wasaaraha ayaa ku goodiyey inuu qabanayo doorashada, isla markaana ay ka go’an tahay inuu mar kale majaraha u qabto xilka madaxtinimo ee maamulka Jubaland.
Xukuumadda oo howlaha horyaalla ay ka mid tahay diyaarinta doorashada ayaa ilaa iyo iminka wax tallaabo ah u qaadin dhankaasi, waxaana la ogayn nooca doorasho ee dalkan ka dhici doonta, inkastoo dhowr jeer uu Ra’iisul wasaaruhu sheegay in aan lagu laaban doonin teendhada Afisiyooni.
Dhanka kale ciidanka Danab ayaa dhex maquuranaya fadeexo aad u weyn, kadib markii lagu eedeeyey musuq maasuq la xiriira in ay iibsadeen raashinkii ciidankaasi loogu talla galay, oo qaarkood loo iibgeeyey suuqyada Muqdisho. Waxaana arrintaasi xabsiga ugu jira saraakiil aan tiradooda la cayimin.
Sidoo kale waxyaabaha fadeexada ka soo gaaray Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza waxaa ka mid ahaa hakad ku yimid duulimaadyadii Muqdisho kadib markii lacag dheeraad ah lagu soo ragay muwaadiiniinta Soomaaliyeed ee ka dhoofaya Muqdisho.
Buuq saacado qaatay kadib Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqasho ku tegay Garoonka Diyaaradaha, iyadoona laga laabtay go’aanka sababay in hakad ku yimaado dhaq dhaqaaqo Garoonka Muqdisho.
Waxaa sidoo kale, carqalad xooggan ay hawada Soomaaliya kala kulantay Maamulka Somaliland, iyadoo ay xusid mudan in taasi ay ku dhacday feejignaan la’aanta Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada, ayna qal qal ku yimid qadka hawada Soomaaliya.
Xukuumada Soomaaliya ayaa bishii October ee sanadkii aynu ku soo gudubnay Khaatumo u aqoonsatay Maamul KMG ah, balse wixii intaasi ka danbeeyey waxaa adkaatay in maamulku uu noqdo mid buuxa, taas oo siyaasiyiinta qaar u sababeynayaan gaabis ka jira dhanka Xafiiska Raiisul wasaaraha.
Madaxda Khaatumo oo dhowr jeer Muqdisho yimid ayaa ku hungoobay in aqoonsi buuxa ay u helaan maamulkaasi, waxaana dadka u dhuun daloola arrimaha siyaasadda ay sheegayaan in aan laga fiirsan tallaabadii maamul KMG ah looga dhigay Khaatumo maaddaama aan la diyaarin qorshihii uu maamul buuxa ku noqon lahaa.
Si kastaba ha ahaatee Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla howlo aad u fara badan, oo ay ugu horeyso isku soo dhaweynta beesha uu siyaasada ku matalo iyo dowladda dhexe, waxaa kale oo xukuumadda looga fadhiyaa ka shaqeynta kobcinta dhaqaalaha dalka iyo diyaarinta doorasho wadar oggol ah, maddaama lagu jahwareersan yahay nooca doorasho ee dalka ka qabsoomi doonto marka la gaaro 15-ka May 2026.

