Soomaaliya iyo Itoobiya oo in dhaweydba xiriirkoodu uu xumaa, ayaa waxaa xiisada dab ku sii shiday heshiiska ay Puntland sheegtay in ay la gaartay Itoobiya, kaas oo ku qotoma iskaashi dhinacyo kala duwan isugu jira oo laga xusi karo dhanka ganacsiga.
Arrintan oo dhabar jab weyn ku noqotay dowladda Soomaaliya ayaa durba keentay in gabi ahaanba la xiro qunsuliyadii Itoobiya ee Soomaaliya, isla markaana Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya uu dalka uga baxo muddo 72-saacadood ah.
Puntland oo ka jawaabtay qoraalka dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in go’aanka dowladda Soomaaliya aanay quseyn iyada, isla markaana ay sii wadeyso la macaamilka Itoobiya, oo sida ay sheegtay ay isaga xiran yihiin dano muhiim ah.
Puntland ayaa tallaabadan u qaaday, arrimaha dastuurkii dhawaan la ansixiyey, kaas oo la meel mariyey Puntland oo aanan raali ka ahayn.
Puntland ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in dowladda Soomaaliya ay bur burisay heshiiskii dastuurka ee dalka isku hayey, waana sababta rasmiga ah ay heshiiska ula gaartay Itoobiya.
Somaliland ayaa dhankeeda arrintan war ka soo saartay, waxeyna sheegtay in go’aamada ka so baxay gollaha wasiirada Soomaaliya aanay saameyn ku yeelan doonin heshiiskii ay kal hore la gaartay Itoobiya.
Arrintan ayaa cirka ku shareereysa xiisada adag ee ka dhaxeyso Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo ka dhalatay damacii Itoobiya ee biyaha Soomaaliya, waana tallaabo soo idleyn karta in is fahan ay labada dal ka gaaraan mushkiladaha dhexdooda ah.