Gollaha wasiirada ayaa dhawaan Cabdulaahi Sanbaloolshe u magacaabay Taliyaha Hay’adda nabad Sugida Qaranka, xilkaas oo uu ka dagay Mahad Maxamed Salaad oo sanadihii ugu danbeeyey jagadaasi ku magacawnaa.
Sanbaloolshe oo seddex goor oo hore soo noqday taliyaha Nabad Sugida, ayaa waxaa horyaalla howlo muhiim ah, oo u baahan in la dhaqaajiyo, si loo xaqiijiyo guulaha ay shacabka Soomaaliyeed ku haminayaan.
Howsha ugu horeysa ee hortaalla ayaa ah, kordhinta xogaha ay heleyso Nabad Sugida Soomaaliya, kuwaas oo yareyn kara weerarada ay maleegayaan Al Shabaab.
Waxaa kale oo muhiimad gar ah leh, isla markaana looga fadhiyaa taliyaha cusub, sare u qaadista xiriirka ka dhaxeeya bulshada iyo sirdoonka qaranka, si shacabku ay dowladda ula wadaagaan xogaha amniga lidiga ku ah.
Taliyaha cusub ayaa laga doonayaa sidoo kale inuu xusho sakhsiyaad uu kalsooni ku qabo, kuwaas oo aqoon durugsan u leh xifdinta xogaha shacabka iyo shaqaalaha sirdoonka ay soo gudbinayaan, taas oo nuxur gaar ah u yeeli karta magacaabistiisa.