Waxaa lagu wadaa in Maanta oo khamiis ah Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland uu gaaro wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadda ku sugan Magaalada Muqdisho.
Gudana Garoowe waxaa laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo la filayo in si diiran loo soo dhaweeyo.
Ujeedada safarka Farmaajo ayaa waxaa ay tahay sidii uu kulamo kala duwan ula qaadan lahaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxda kale ee Puntland.
Warar kale ayaa wsheegaya in Madaxweynihii hore Farmaajo iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ay sameysan doonaan isbaheysi mucaraad ah oo ka dhan ah dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud maadaama labadaba ay ka soo horjeedaan habka hadda uu wax ku maamulo Madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ahaa mid siweyn uga soo horjeeday dowladdii uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse hadda waxaa muuqato in ay yihiin kuwo ka mideysan mucaaradnimada Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana ku wehliya Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed.
Lama oga waxyaabaha ka soo bixi kara shirarka ay Garoowe ku yeelan doonaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni.