Saacadihii la soo dhaafay waxaa la soo werinayaa in shuban biyood uu ka dilaacay Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, sida ay sheegayaan bahda caafimaadka.
Inta la ogyahay ku dhawaad 20 qof ay ku geeriyooday gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kadib markii uu halkaasi shuban biyood daran ka dilaacay.
Bahda Caafimaadka Garoowe ayaa sheegaya in iminka ay hayaan 300 oo bukaan, kuwaas oo la ildaran xanuunka shuban biyoodka, kuwaas oo ay qaarkood xaaladooda halis tahay.
Xanuunka shuban biyoodka ee ka dilaacay Garoowe ayaa si gaar ah u saameeyey qoysaska ku nool xeryaha Barakacayaasha, sida uu warbaahinta la wadaagay Iskuduwaha caafimaad ee gobolka Nugaal Dr. Maxamed Jaamac Xirsi.
Dr. Maxamed ayaa sheegay in xanuunka uu si xowli ah u faafayo, wuxuuna walaac ka muujiyey inuu asiibo dad iminka badqaba, taas oo xaaladda sii cakireysa.