Fashil aad u xooggan ayaa waqtigan hareeyey dagaalkii ka dhanka ahaa Al Shabaab, waxaana arrintan ay abuurtay hadal heyn aad u fara badan.
Is-baddelkii Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaa loo sababeynaa fashilka xilligan heysta qorshaha dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab.
Tan iyo markii uu Madaxweynuhu magacaabay Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida, Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxidiin waxaa yaraaday dar dartii uu dagaalka ku socday, waana arrinta keentay in ciidamadu ay isaga huleelaan deegaanno ay hore gacanta ugu dhigeen.
Sidoo kale waxaa hoos u dhacay dadaalkii kal hore laga arki jiray Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya, oo markan doorkeeda dagaalka uu habacsanaan ka muuqdo.
Dadka qaar ayaa aaminsan inuu hooseeyo xiriirka wada shaqeyn ee ka dhaxeeya Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga, waana sababta loo dhaqaajin la’ yahay dagaalka, oo maanta u muuqda mid fashil ku dhaw.
Maalmihii ugu danbeeyey ciidamada dowladda waxey faarujiyeen deegaanno fara badan oo ay Al Shabaab hore uga faramaroojiyeen, arrintaas oo abuurtay fajac aad u fara badan.
Ka bixitaanka ciidamada dowladda ee fariisimadii ay ku lahaayeen inta badan gobolka Mudug, ayaa bidhaamiyey baaxada fashilka dagaalkii Madaxweynaha uu ku baaqay ee Al Shabaab ka dhanka ahaa.
Qubarada ka faalooda arrimaha amniga ayaa ku dardaarmaya in dhiig cusub lagu shubo dagaalka Al Shabaab, inta aanu fashilka xoogeysan, waana kuwo sidoo kale ku talinaya in dhiira gelin la siiyo saraakiisha ciidamada hor boodeysa.