Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya ee loo soo gaabiyo SODMA ayaa gargaar gaarsiiyey egaanka Nuur Dugle ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
Gargaarkan oo isugu jira, Raashinka quutul daruuriga noocyadiisa kala duwan, ayaa waxaa si gaar ah loo gaarsiiyey shacabka ku noo deegaankaasi, kuwaas oo uu saameyn lixaad leh ku yeeshay dagaalkii halkaasi ku dhex maray Al Shabaab iyo ciidamada dowladda.
Dadka ayaa dihaal culus ka dhaxlay colaadii halkaasi ka dhacday, waxaana qaarkood ay waayeen xubno ka mid ah qoysaskooda, halka kuwo kalana ay ku xoolo beeleen.
Bulshada ku nool deegaanka Nuur Dugle ayaa soo dhaweeyey gargaarka la soo gaarsiiyey, waxeyna sheegeen inuu ku soo aaday xilli muhiim ah, maaddaama dhawaan la gudi gali rabo Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Gudaha Soomaaliya inta badan, rayidka ayaa dhibaatooyin culus ka muta colaadaha, iyagoo badi aanan helin gargaar rasmi ah, oo xaaladooda wax ka taraya waxaana ugu nugul, haweenka, caruurta iyo dadka da’da ah.