Si loo tayeeyo Ciidamada Difaaca xeebaha ee dalka waxaa Dekedda Muqdisho iyo xarunta Taliska Ciidamada badda kormeer ku tegay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka iyo Saraakiil ka socota dalka Turkiga.
Kormeerkaan waxuu sahlayaa dhismaha Ciidamadda badda si ay u difaacaan xeebaha dalkeena, Dowladda Turkiga ayaana Soomaaliya ka caawin doonta in dalkeenu yeesho Ciidamo leh khibrad iyo Tababar sare oo difaaca badda.
Taliyaha Ciidanka XDS S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa usharaxay Saraakiisha ka socota Dowladda Turkiga sida ay Dowladda Soomaaliya ugu diyaar garoowday difaaca xeebaheeda, waxuuna xusay in Soomaaliya ay ka faa’iidaysan doonto garab istaaga Dowladda aan walaalaha nahay Ee Turkiga.
Si kastaba waqtigan waxaa lagu qasban yahay in la dedejiyo dhismaha ciidamada badda Soomaaliya, si ay ugu filnaadaan amniga badda Soomaaliya, oo xilligan ay damaacinayaan dalalka dariska qaarkood.