Waxaa labadii casho ee aynu ka soo gudubnay isi soo tarayey dilalka ay askarta u geysanayaan shacabka ku nool magaalada Muqdisho, taas oo shaki galineysa amniga caasimada iyo badqabka muwaadiiniinta.
Toddobaadkan waxaa la diwaan-geliyey dhowr kiis, waxaana dilalkii ugu danbeeyey uu maaalintii shalay ahayd, markaas oo askar ka tirsan dowladda ay dileen darawal Mooto Bajaajle.
Wiilka la dilay oo ahaa nin dhallinyaro ah ayaa lagu magaacaabi jiray Cabdimajiid Maxamed, wuxuuna ahaa darawal mooto Bajaaj, kaas oo ay dileen askar ka tirsan ciidamada dowladda, waxaana cabasho badan muujinaya eheladiisa, iyadoo ilaa iyo iminka aan la aasin marxuumka.
Askartii dilkan geysatay ayaa baxsatay, waxaana xusid mudan in laamaha amniga aanay weli arrintan ka hadlin, taas oo walaaca ku kordhineysa dadka rayidka ah.
Inta badan Muqdisho waxaa ku soo noq noqda dilalka ay askartu u geystaan dadka rayidka ah, waxaana qaarkood la soo taagaa maxkamada ciidamada qalabka sidda, iyadoo xukunno kala duwan lagu rido, balse taasi ma xakameyn dilalka joogtada noqday ee rayidka lagula kacayo.