Ciidamadda Hay’adaha Amniga Galmudug ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan Askari ka tirsan Ciidanka Booliska oo degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ku dhaawacay qof shacab ah.
Askariga la soo qabtay ayaa la sheegay in si bareer uu u dhaawacay Ruux shacab ah ka dib markii rasaas uu ku furay, lamana oga sababta rasmiga ah ee ku kaliftay inuu falkaasi ku dhaqaaqo.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Saldhiga Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud Gaashaanle Galad Muxumed Qeyliye ayaa sheegay in uu saacadihii ugu danbeeyey socday Hawlgalka Askariga lagu soo qabanayayay.
Booliska Guriceel ayaa sheegay in eedeysanaha ay u gudbin doonaan hay’adaha caddaaladda, si waajibkiisa loo mariyo, waxeyna digniin u direen ciidamada dowladda, ee ku kacaya falalka ceynkan oo kala ah ee lagu dhibaateynayo rayidka.