Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aaden Doodishe oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey dhacdooyinkii amniga lidiga ku ahaa ee maalmihii ugu danbeeyey ka dhacayey gudaha caasimadda iyo maamul goboleedyada dalka.
Afhayeenka Booliska ayaa ugu horeyn faah faahin ka bixiyey falalka la xiriira dilalka iyo qaraxyadda ee todobadyadii ugu danbeeyey ka dhacay gudaha caasimada iyo gobolada dalka, isagoo sheegay in 11 kiis oo dil ah ay ka dhaceen Muqdisho iyo maamulada dalka.
Afhayeenka booliska ayaa intii uu shirkiisa jaraa’id socday soo hadalay qaaday geerida Xildhibaan hore Axmed Aaden, kaas oo shalay isagoo xaalad miir daboolan ah ku jira ay boolisku ugu tageen hotel ku yaalla degmada Xamar Weyne, kadib fariin wargalin ah oo ay boolisku ka heleen maamulka hotelkaasi, waxana booliska markii ay goobta soo gaareen ay geeyeen isbitalka Martiini halkaas oo uu ugu danbeyn ku geeriyoday.
Sida ay booliska Soomaaliya sheegeen waxaa sidoo kale isi soo taraya tirada dadka loo soo qabtay tuhunka geerida Cabdinaasir Muuse oo ka tirsanaa shaqaalaha hay’ada duulista rayidka, kaas oo habeenimadii isniinta soo galeysay meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla degmada Wadajir.
Mudooyinkii ugu danbeeyey waxaa kordhayey falalka naxdinta leh ee ka dhacaya gudaha caasimada, kuwaas oo bulshada ay ka muujianayeen anfariir, isla markaana abuurayey hadal heyn aad u fara badan.