Danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya, Mudane Axmed Cali Daahir ayaa booqasho ugu tagay dhiggiisa dalka Sudan ee New Delhi Ambassador Muawia Elbukhari
Ugu horreyn Safiirka Jamhuuriyadda Sudaan ayaa soo dhaweyn iyo habmaamus sare ku qaabilay Safiirka Soomaaliya,Mudane Safiir Axmed Cali Daahir,salaam ka dib ayay labada Safiir waxaa ay aad iskaga wareysteen xaaladdaha labada dal ee Soomaaliya iyo Sudan.
Safiirka Sudan ayaa dhiggiisa Soomaaliya warbixin guud ka siiyay xaaladda uu hadda marayo dalka Sudan iyo sida ay u saameysay colaadaha sokeeye ee ka jira, Sudan ayaa ka mid aheyd dalalka ugu horumarsan geeska iyo guud ahaan Qaarada Afrika ee dhinacyo badan, Safiir Axmed ayaa u sheegay in ay aad iyo aad uga xunyihiin ka dowlad iyo shacab ahaanba waxaa ka dhacay dalka Sudan.
Safiirka Safaaradda Soomaaliya Mudane Axmed Cali Daahir ayaa dhankiisa la wadaagay xaaladda Soomaaliya iyo horumarada lagaaray iyo guulaha taarikhiga ah ee diblomaasiyadeed ee lagu tillaabsaday iyo kuwa hadda socda, sida, ladagaalanka Khawaarijta oo dhul badan laga sifeeyay, ku biiritaanka Bulshada Bariga Afrika, qaadistii cuno qabateenta hubka ee saarnaa Soomaaliya iyo guushii deyn cafinta oo dhammaantood muhiim ahaa gaaristooda koboca dowladdnimada Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa labada Safiir ay ka wada hadleen hishiis beenaadka ay dowladda Ethopia lagashay maamulka Soomaali-land ee damaca gurracan ee badda Soomaaliya, oo gambi ahaanba ah wax baalmarsan sharuucda caalamka iyo tan darisnimada labada dal, isla markaana xadgudub ku ah madaxbanaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Safiirka Sudan ee hadda u jooga dalka Hindiya Ambassador Muawia Elbukhari, ayaa ka mid ahaa barayaasha Jamacadaha dalka Sudan, sidoo kalana dadka uu waxbaray ay ka mid yihiin boqolaal arday Soomaaliyeed oo dalka Sudan ka helay deeq waxbarasho xiligii uu dalka Soomaaliyeed galay burburka iyo xaaladaha adag, dowladda Sudan ayaana ka mid ahayd waddamadii fursadaha waxbarasho ku taageeray dadka Soomaaliyeed
Ugu dambeyn Safiira Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya, Mudane Axmed Cali Daahir ayaa uga mahadceliyay doorkii lama ilaawaanka aheyd ee dowladdii Sudan iyo shacabka ay ka qaateen soo saarida Tayada iyo Aqoonta dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkooda wax ku soo baratay oo maanta ka mid ah hoggaamiyasha Dowladda, Ganacsatada iyo Culumada Soomaaliyeed.
Labada Safiir ayaa isla gartay in ay si dhaw uwada shaqeeyaan maadaama Soomaaliya iyo Sudan ay wax badan ka middeysanyihiin, ururo badana ay kawada tirsanyihiin isla markaana ay kuwada yaalaan Geeska Afrika waxyna kala qaateen talooyin laba dhinac ah.