Wax ka badan sanad guluf ka dhan ah Al Shabaab ayaa ka socda deegaanada maamulada Galmudug iyo Hirshabelle, waxaana la is weydiinayaa sababaha keenaya in dagaaladaasi ay daba dheeraadaan.
Qubarada amniga ayaa sheegaya in arrintani loo sababeynayo habacsanaan dhanka milatariga ah oo heysata dowladda Soomaaliya, kuwaas oo si fudud uga soo baxaya goobaha ay ka fara maroojiyaan Al Shabaab.
Waxaa kale oo arrintan loo sababeynayaa is baddelada lagu sameeyo saraakiisha hoggaamineysa dagaalka, taas oo hoos u dhigta dar dartii uu dagaalka ku socday.
Qubarada ayaa ku taliyey in marka hore ay dowladdu dajiso qorshe kooxda looga saarayo guud ahaan meelaha ay ka joogaan Galmudug iyo Hirshabelle, waxana dajinta qorshahaasi kadib muhiimadu tahay in laga dhabeeyo, si deegaanadaasi ay uga xooraan kooxda Al Shabaab.
Si Kastaba Al Shabaab ayaa laga saaray deegaanno badan oo ka tirsan Hirshabelle iyo Galmudug, kuwaas oo ay ka arriminayeen wax ka badan 15-sano.