Dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey waday qorshe ay dhulka danta-guud uga saareyso qoysaska degan, waxaana arrintan ay noqotay mid hadal heyn badan dhalisay.
Qoysaska guryaha dowladda degan, ayaa badankooda diidmo kala hor yimid dowladda Soomaaliya, waxaana arrintaasi ay sababtay isku dhac dhex mara dadka dhulkaasi degan iyo ciidamadii dowladda soo dirsatay.
Dadkan ayaa dhulka dowladda deganaa 30-kii sano ee la soo dhaafay oo uu bur bur ku jiray dalka Soomaaliya, waana kuwo sheegaya in aanay heysan meel ay dagaan.
Haddaba Waqtigan mala joogaa xiligii la faarujin lahaa dhulka danta guud ee dowladda?
Weydiimahaasi ayey Hortabin Media hor dhigtay qaar ka mid ah aqoonyahanada ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaas oo arrintan ku kala aragti duwan.
Aqoonyahanada qaarkood ayaa qaba in waqtigan la joogo xiligii la faarujin lahaa dhulka dowladda, maddaama dowladda ay dooneyso in dhulkaasi ay ku qabato adeegyadii bulshada muhiimka u ahaa.
Kuwo kale ayaa aamisan aragti taasi ka duwan, waxeyna ku doodayaan in dadkan loo sameeyo dib u dejin, maaddaama ay yihiin dad Soomaaliyeed, kuwaas oo daruufo dhaqaale awgood aanan awoodin in ay guryo kale kireystaan.
Gudaha Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda, 30-kii sano ee ay maqneyd dowladnimada, waxaa ay rayidku qaarkood dageen dhulkii dowladda, waana kuwo diidan in ay dhulkaasi ka baxaan, waxaana arrintan ay caqabad ku noqoneysa nidaamka dowladnimo ee soo kabanaya.