Barlamanka Soomaaliya ayaa toddobaadkii la soo dhaafay meel mariyey Hab-raaca Wax ka badelka dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.
In dastuurka la furo isla markaana wax ka baddel lagu sameeyo ayaa waxaa cod gacan taag ah ku oggolaaday xildhibaano tiradoodu ay gaareyso 180 xildhibaan, halka ay diideen 30 xildhibaan.
Dastuurka Soomaaliya oo sanado badan qabyo ahaa, ayey dhameystirkiisu ku hor gudban yihiin caqabado kala duwan, kuwaas oo diidaya in si dhab ah loo dhameystiro.
Caqabada ugu horeysa ayaa noqoneysa, khilaafka dowladda dhexe iyo Puntland, kaas oo iminka xiriirkoodu aad u hooseeyo.
Caqabadan ayaa keentay in hoggaanka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni uu ka soo horjeesto arrimaha la xiriira dhameystirka dastuurka, wuxuuna cuskanayaa dhowr sababood.
Tabashada ugu horeysa ee uu muujinayo ayaa ah, in aan laga tala galin Puntland oo ka mid ah dowladdaha xubnaha ka ah dowladda dhexe, taas oo hoggaankeedu aanu ka qeyb galin kullamadii ugu danbeeyey ee golaha wadatashiga qaran.
Deni ayaa sidoo kale dhowr jeer ka dhawaajiyey in dhameystirka dastuurka aanay suura gali karin, iyadoo mowqif wada ogol ah laga helin siyaasiyiinta Soomaaliyeed, maaddaama uu yahay heshiis bulsho.
Arrimahan ayaa keenaya in dastuurka Soomaaliya uu heli waayo cid dhameystirta, xilli Barlamankan 11-aad ay masuuliyadiisa ugu weyn tahay inuu dhameystiro dastuurka qabyo qoraalka ah mudadda dheer.