Khasaare baaxad leh ayaa ka dhashay dabeylo xooggan oo ku dhuftay gobolka Jubada Hoose, kuwaas oo saameyn xooggan ku yeeshay xeebta Kismaayo.
ilaa iyo iminka waxaa la la’yahay hal doon iyo dadkii saarnaa, waxaana doontan ay ahayd mid kalluumeysi, taas oo kordhineysa walaaca.
Sidoo kale waxaa istaagay gabi ahaanba isku socodka gaadiidka badda ee ay adeegsadaan ganacsatada Jaziiradaha yar-yar ee ku yaalla xeebaha gobolka Jubada Hoose, sababo la xiriira dabeylaha.
Wasaaradda Kalluumeysiga Jubaland ayaa digniin u dirtay guud ahaan kalluumeysatada xeebaha Jubada Hoose, kuwaas oo loogu baaqay in aanay badda galin ilaa xaalku uu sidii hore ku soo laabanayo.
Dadkii saarnaa doonta la la’yahay eheladooda ayaa walaac xooggan muujinaya, maddaama raq iyo ruux aanay meel ku sheegin dadkoodii.