Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Galgaduud kooxo Maleeshiya Beeleeleed ah oo hubeysan ay dil iyo dhaawac u geystay Dad shacab ah oo deganaa tuulo hoostagta degmada Xeraale ee gobolka Galgaduud.
Wararka ayaa sheegaya maleeshiyaadka hubeysan ay weerareen guri ku yaalla tuulada Xananbuure, waxa ayna halkaasi ku dileen Aabe iyo wiilkiisa ,halka ay dhaawac gaarsiiyeen hooyadii qoyskaasi.
Maleeshiyada dilka iyo dhaawaca u geestay qoyska shacabka ahaa ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen, waxaana qoyskan dilka iyo dhaawac loo geestay la tilmaamay in ay kasoo jeedaan Degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
Dilalka la xiira aanooyinka qabiilka ayaa Muddooyinkii dambe ku soo kordhaya deegaannada Galmudug, waxaana xalay oo u dambeysay duleedka magaalada Dhuusomareeb aano qabiil darteed loogu dilay afar nin oo xoolo dhaqato ahaa.
Maamulka Galmudug ayaa la sheegay in ay ku guul dareysteen in ay wax ka qabtaan dilalka salka ku haayana aanooyinka qabiilka ee ka dhacaya degaanada Galmudug.