Sida ay shaacisay Hay’adda Lacagta Adduunka ee loo yaqaan IMF, waxaa Soomaaliya la siinayaa lacag deyn ah, kadib deyntii dhawaan laga saamaxay.
IMF ayaa Soomaaliya u ansixisay dayn cusub oo 100 Milyan oo dollar ah, waxaana lacagtan lagu bixin doonaa oo ay Soomaaliya ku heleysaa muddo 3-sano gudaheed ah.
Lacagtan ayaa Soomaaliya loo siinayaa si looga caawiyo dadaallada dib u habeynta dhaqaalaha dalka, kadib guushii ay ka gaartay hannaanka deyn cafinta.
Hadal ka soo baxay IMF ayaa u qornaa sidatan “Barnaamijku wuxuu taageeri doonaa istaraatiijiyada dib-u-habaynta ka dib dayn cafinta dalka, si loo sii xoojiyo hay’adaha dhaqaalaha ee muhiimka ah iyo horumarinta xasilloonida iyo kobaca dhaqaalaha,”
Sida qorshe howleedku yahay Ansixintan ayaa daba socota gaarista barta dhamaystirka ee barnaamijka deyn ka-cafinta dalalka saboolka ah ee deymaha badan lagu leeyahay (HIPC), kuwaas oo Soomaaliya qeyb ka tahay.