Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa toddobaadyadii ugu danbeysay howlgalo culus ka waday deegaanno ka tirsan maamulka Jubaland.
Howlgaladan oo ay wadeen ciidamada militariga Soomaaliya iyo kuwa Jubaland, ayaa lagu beegsaday fariisimo ay Al Shabaab kaga sugnaayeen deegaanno ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo.
Howlgaladan intii ay socdeen, ayaa lagu dilay xubno ka tirsan Al Shabaab, oo uu ku jiro nin amiir ah, kaas oo aad looga yaqaanay gudaha Al Shabaab, sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka Ciidamada Jubbaland G/Dhexe Maxamed Faarax Daahir.
Afhayeenka ayaa hoosta ka xariiqay in howlgalkaasi ay ku dileen Amiirka iyo 12-ka mid ah dagaalyahanada Al Shabaab, kuwaas oo falal amni darro ka waday gudaha Kismaayo iyo duleedkeeda.
Sida ay saraakiishu sheegeen ciidamada dowladda ayaa dib uga soo baxay deegaanadii ku yaallay duleedka Kismaayo ee ay qabsadeen, waxaana arrintaasi ay ku macneeyeen xeelad dagaal.