Sida ay warbaahinta caalamku daabaceen, dowladda Mareykanka gaar ahaan Hay’adda Sirdoonka ee CIA-da ayaa wada dadaalo ay ku xalineyso dagaalka Gaza.
Toddobaadkan gudihiisa Madaxa Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da ayaa u duulay Bariga Dhexe, si uu kaalin uga geysto wada hadal dhex mara Israa’iil iyo Xamaas.
William J. Burns ayaa ka dhawaajiyey dhawaajiyay suurta-galnimada heshiis xabbad-joojin cusub ah iyo sii deynta la haystayaasha Gaza, xilli ay xaaladdu ka sii dareyso.
Weli ma muuqato saan saan ku aaddan xabad joojin, waxaana kordhaya baaqyada loo dirayo Israa’iil ee lagu dalbanaya in la joojiyo duqeymaha Gaza.
Sida la rumeysan yahay Socdaalka madaxa hay’adda CIA-da ayaa ku soo beegmaya, xilli xoghayaha difaaca Mareykanka uu hoggaamiyeyaasha militariga ee Israel kala hadlay xiisadda iyo billaabida xabad joojin dhaqan gasha.