Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac (Haruuse) ayaa sheegay in uu iska Casilay Xilkii Wasiirka Arrimaha Dibadda somalia. Qoraal kooban oo uu Wasiirku ku daabacay Bartiisa Facebook ayaa ku sheegay.
Haruuse ayaa u hanqal taagaya inuu qabto masuuliyada kursiga ugu sareeya maamulka Puntland, oo uu ka mid yahay dadka loo saadaalinayo.
Siyaasiyiinta qaar ayaa sheegaya in Haruuse uu la soo daahay shaacinta xiisahiisa ku aaddan qabashada xilka ugu sareeya maamulka Puntland.
Puntland ayaa dhawaan qabaneysa doorashada madaxtinimo, inkastoo mucaaridka uusan ku qanacsaneyn guddiga uu magacaabay Saciid Deni.