Waxaa kulan ku yeeshay xarunta Gollaha, Guddiyada Villa hargaysa,Guddiga Khayraadka Dabiiciga iyo Bi’ada ee Golaha Shacabka BJFS waxaana u qabsoomay kulankii 1aad kal-fadhigisi 4aad ee BJF ayagoo gudnaayo wajibaadkooda dastuuriga ah.
kulankaka waxaa shir-guddoomiyay Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka Dabiiciga & Bii’ada ee Golaha Shacabka Xil. Yusuf H Ahmed Gamadiid.
Ajendaha kulanka waxuu ahaa warbixinta Gudomiyaha kuna saabsaneyd wixii u qabsomay guddiga kalfadhigi 3aad iyo dardar galinta shuruucda horyaala Guddiga iyo sidii looga shaqeyn lahaa shuruucdaas.
Guddiga ayaa isla qaatay in la sameeyo qorsho howleed ku qotomo kalfadhigan 4aad si shuruucda guddiga horyaalo loo dhameystiro kalfadhigaan.
Ugu danbeyn shirka waxaa Soo xiray Gudomiyaha Guddiga Kheyradka dabiiciga iyo Bii,ada Xil.Yusuf Husein Ahmed Gama’diid