(Hortabin Media) – Kooxda Al Shabaab ayaa xilligan qal qal dhanka amniga ah ku heysa inta badan deegaanada gobolka Gedo, halkaas oo iminka sida muuqata ay ku xoogeysanayaan.
Dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab oo meelo kala duwan isaga yimid, ayaa waqtigan culeys amni ku haya gobolka Gedo, taas oo walaac ku abuurtay maamulka gobolkaasi.
Masuuliyiinta maamulka gobolka Gedo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay kordhayaan weerarada Al Shabaab ay ka fulineyso gobolka Gedo, waxeyna cabsi ka muujiyeen in guud ahaan gobolka uu gacantooda ka baxo.
Cismaan Nuux Xaaji (Macallimuu) oo ah Gudoomiye ku xigeen amniga iyo siyaasada Gedo, ayaa dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubaland ka dalbaday in Gedo la keeno ciidamo awood leh, kuwaas oo baajin kara cabsida la soo daristay dadka deegaanka.
Deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Jubaland ayaa ah meelaha ugu badan ee ay ku xooggan yihiin Kooxda Al Shabaab, waxeyna si buuxda gacanta ugu hayaan guud ahaan gobolka Jubada dhexe, oo ka tirsan meelaha ka maqan gacanta Jubaland.