Kooxda Al Shabaab ayaa xalay qarxiyey dukaan ku yaalla xaafada Al-barako ee degmada hodan, kaas oo xirtay kaamirada qarsoon ee CCTV, oo ay dhawaan dowladda ku amartay ganacsatada in ay xirtaan.
Qaraxa kadib ciidamo goobta ka agdhawaa ayaa baacsaday xubnihii Al Shabaab ee qaraxa fuliyey, kuwaas oo ay tiradoodu gaareyso seddex qof, kuna hubeysnaa labbo bistooladood.
Ciidamada dowladda iyo xubnihii Al Shabaab, ayaa saacado kooban is weydaarsaday rasaas, taas oo suura gelisay in la dilo labbo ka mid ah seddexdii nin, halka kan kalana nolosha lagu qabtay.
Dukaanka la qarxiyey oo lagu iibin jiray qalabka gawaarida, ayaa gabi ahaanba basbeelay, waxaana soo daahay gawaarida dab damiska gobolka Banaadir, taas oo sababtay inuu dabku xoogeysto.
Saraakiisha amniga Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in ay soo gabagabeeyeen howlgalkii ka dhanka ah maleeshiyada ka tirsan Al Shabaab, iyagoo xusay in ninka gacanta lagu hayo loo gudbin doono hay’adaha caddaalada si waajibkiisa loo mariyo.