Dowladda Soomaaliya ayaa kulan ay soo qaban qaabisay waxa ay ku casuuntay masuuliyinta ururada bulshada rayidka, iyadoo kulankaasina looga hadlay arrimo kala duwan.
Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen madaxda Wasaarada Amniga, ayaa lagu gorfeeyey, sidii dowladda iyo bulshada rayidka ay isaga kaashan lahaayeen sugida amniga caasimada.
Inta uu kulanku socday ayaa la soo hadal qaaday muhiimada ay leedahay wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada rayidka, taas oo sanadihii ugu danbeeyey aanay jirin.
Bulshada rayidka ayaa dowladda u soo jeedisay, in ay talada la wadaagto bulshada Soomaaliyeed, si loo unko, kalsooni suura galin karta in amniga laga wada shaqeeyo.