Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa ka qayb galay shirka Axdiga ka hortaga inta aysan dhicin musiibooyinka kaas oo daba socday Shirka Isbedelka Cimillada ee ka socda dalka Isutagga Imaaradka Carabta.
Shirkaan inta uu socday waxaa lagu yaboohay dhaqaale badan oo loogu talagalay wax ka qabashada inta aysan dhicin aafooyinka sababi kara khasaaraha madaama ay Soomaaliya ka mid tahay dalalka ay sida aadka ah u saameeyaan is badalada cimilada ee dunida ka dhaca
Waxaa ka soo qayb galay shirkaan madax ka soctay dalalka taageera ama saaxiibka la ah Soomaaliya sida UK, France, Norway, EU, USA iyo wadamo kale oo danaynayey shirkaan.
Gudaha dalka ayey waqtigan ka taagan tahay xaalad adag oo ka dhalatay daadadka El-Nino, iyadoo hore loola daala dhacayey daruufo ay sababtay abaarta dalka ku dhufatay.