(Hortabin Media) – Qaramada Midoobay oo ka jawaabeysa xaalada bani’aadanimo ee ka dhalatay fatahaadaha iyo daadadka El-nino, ee ka taagan gudaha dalka, ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan 5-milyan oo dollar.
Sida qorshuhu yahay lacagtan ayaa la doonayaa in ay door weyn ka qaadato xaaladaha bani’aadanimo ee ka dhashay fatahaadaha ku dhuftay dalka.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay si dhaw ula socoto xaaladdaha bani’aadminimo ee maalinba maalinta ka danbeysa soo kordhaya, taas oo waqtigan u baahan gurmad dhab ah.
Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay, ayaa lagu amaanay doorka shaqaalaha bani’aadanimo, kuwaas oo sida qoraalka lagu xusay waqti badan ku bixiya u gurmashada dadka xaaladaha adag wajahaya.
Gudaha dalka ayey waqtigan ka taagan tahay xaalad cakiran oo ka dhalatay roobabka deyrta iyo isbadelka cimilada oo is kaashaday, waxaana fatahay labada webi ee dalka mara.
Inta la ogyahay 100 qof, ayaa ku geeriyooday daadadka iyo fatahaadaha El-nino ee ku dhuftay Sooomaaliya, iyadoo sida ay sheegtay hay’ada maareynta masiibooyinka ay ku barakaceen in ka badan 900,000 oo qof, kuwaas oo waaya adag wajahaya.