(Hortabin Media) – Al Shabaab ayaa xalay qarax miino la beegsatay xarun ganacsi oo ku taalla Suuqa Bakaaraha, taas oo qaadatay amarkii dowladda, isla markaana xiratay kaamirada sida qarsoon wax u duubta.
Xilliga oo habeen ahaa, ciidamada dowladda ayaa tagay goobta, mana jirto wax khasaare ah oo dadka rayidka ka soo gaaray qaraxaasi.
Xaruntan ganacsi ayaa ka mid ah kuwo ku yaalla Suuqa weyn ee Bakaaraha, kuwaas oo qaatay amarkii dhawaan dowladda ka soo baxay ee ganacsatada lagu faray in kaamirooyinka qarsoon u xirtaan ilinka xarumahooda ganacsi.
Sirdoonka Soomaaliya ayaa ganacsatada caddaadis ku saaaraya xirashada kaamirooyinka sida qarsoon wax u duuba, ee CCTV, halka Al Shabaab-na ay u goodineyso ganacsatada.
Waa weerarkii labaad ee ay Al Shabaab la beegsadaan xarumaha u hoggaansamay amarkii dowladda, waxaana arrintan aad looga hadal hayaa magaalada Muqdisho.