(Hortabin Media)- Khilaaf aad u xooggan ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey soo kala dhex galay Shirkada Isgaarsiinta Hormuud iyo kooxda Al Shabaab, kuwaas oo isku qabtay arrimo la xiriira lacagaha baadda ah ee ay Al Shabaab ka qaadato Shirkadaha iyo xarumaha ganacsiga dalka.
Tan iyo markii uu Al Shabaab soo koray culeyska ku aaddan weerarada uga imaanaya dowladda, waxey kooxdu wajaheysa walaac dhanka dhaqaalaha ah, maaddaama laga xanibay inta badan akoonadii lacagaha loogu diri jiray.
Kooxda oo cadaadiskaasi hareeyey ayaa shirkada ka dalbatay in ay u hormariso lacagaha dhowr bilood, taas oo ay Hormuud iska diiday, iyadoo madaxda Al Shabaab u sheegtay in aanay awoodin in dhaqaalahaas ay halmar bixiso.
Kooxda oo arrimahaasi ka carootay ayaa labadii toddobaad ee ugu danbeysay weeraro ku qaaday xarumo ay Shirkada ku leedahay duleedka Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Garasbaaleey.
Al Shabaab ayaa qaraxyo ku xiray labo ka mid ah xarumaha Al Shabaab ee Garasbaaleey, inkastoo aanay wax khasaare ah geysan, haddana waxaa bur bur qeybo ka mid ah dhismayaashaasi.
Fariintan ayaa u muuqata mid cabsi galin ah, oo ay Kooxda Al Shabaab u direyso madaxda Shirkada, si ay uga jawaabaan codsigooda.
Shirkada Hormuud ayaa ka mid ah shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya, kuwooda ugu macaamiisha badan, waxaana shirkada ay si joogto ah Al Shabaab u siisaa lacago aad u fara badan, sababo la xiriira amnigooda.