(Hortabin Media) -Kooxda argagixisada ee Daacish, ayaa ilaa waqtigan saameyn xooggan ku leh deegaanada maamulka Puntland, iyagoo ku dhuumaaleysta buuraha Gal-gala.
Dagaalyahanada daacish oo fariisimo ku leh buuraha Gal-gala ayaa inta badan halkaasi ka soo qaada weeraro ay ku beegsanayaan ciidamada maamulka Puntland, waxaana ka dhasha halkaasi khasaare kala duwan.
Dhawaan maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay afar nin oo ajaanib ah, kuwaas oo laga qabtay deegaanada uu maamulka ka arrimiyo, waxeyna sheegeen in ay ka tirsan yihiin ururka Daacish.
Raggan ayaa usoo safray Soomaaliya, si ay uga bar bar dagaallamaan kooxda Daacish, waxaana dhalashadooda ay ku sheegeen Dalka Marooko oo ay ka soo jeedaan.
Raggan oo aan dhulka kala aqoon, ayaa gacanta lagu dhigay iyagoo meehanaabaya, waxeyna sida ay sheegeen heysteen tilmaan ah, in ay gaaraan Buuraha Calmiska.
Puntland ayaa raggan u taxaabtay xabsiga, iyadoo sheegtay in la soo taagi doono maxkamada, si waajibkooda loo mariyo.
Daacish ayaa si aad ah ugu xooggan deegaanada maamulka Puntland, waxaana xusid mudan in Cabdiqaadir muumin oo hoggaamiye u ah kooxdaasi uu ka soo jeedo maamulkaasi Puntland.