Maamulka Gobolka Banaadir ayey waqtigan hortaalaa howl aad u culus, taas oo u baahan jawaab rasmi ah, si wax looga qabto.
Maamulka ayaa culeys weyn kala kulmaya roobabkii dhawaan ka da’y magaalada Muqdisho, kuwaas oo xiran jidad hore u furnaa oo muhiim u ah bulshada.
Roobabka ayaa sidoo kale bur buriyey wadooyin dhawaan la dhisay, waxaana jidadka qaar buux dhaafiyey biyo aad u fara badan oo ka dhashay roobabkii deyrta ee da’y
Cabashada ka imaaneysa bajaajleyda iyo shacabka kale ayaa kordheysa, taas oo qasab ka dhigeysa in maamulku uu qaado tallaabo uu walaaca jira wax uga qabanayo.
Waxaa sidoo kale xaalad adag ku sugan qoysaska qaar, kuwaas oo ay guryahooda buux dhaafiyeen biyaha, isla markaana xaalad adag ku sugan.
Maamulka ayaa sidoo kale laga filayaa inuu dareen bani’aadminimo ku eego barakacayaasha daadsan duleedka Muqdisho, kuwaas oo sanadihii ugu danbeeyey xaalado adag ku wajahayey bannaanka caasimada, oo ah halka ay soo maciinsadeen kadib abaarihii dalka ku dhuftay.