Shaqo la’aan ba’an ayey sodonkii casho ee la soo dhaafay ka cabanayaan kalluumeysatada ka jilaabta xeebaha magaalada Muqdisho.
Kalluumeysatadan ayaa tilmaamaya inuu saameyn ku yeeshay roobabka deyrta ee curtay, taas oo keentay inuu yaraado kalluunkii ay soo jilaaban jireen, maaddaama baddu kacsan tahay xiligan.
Kalluumeysatada ayaa sidoo kale sheegaya inuu saameeyey digniinaha El-nino ee la xiriira in ay duufaan ku habsan karto xeebaha Soomaaliya.
Waxaa aad u yaraaday kalluumeysatada u hayaamaya in ay kalluunka soo jilaabtaan sababo la xiriira cabsida laga muujinayo roobabka deyrta oo ah kuwo watada dabeylo iyo duufaan.
Arrinta waxey geesta kale hoos u dhigtay dhaqaalihii ay heli jireen kalluumeysatada, waana arrin qal qal galisay noloshooda maalin-laha ah.
Kalluumeysatada Soomaaliyeed ayaa in dhaweydba la daalaa dhacayey daruufo kala duwan, waxaana caqabadaha heysta ka mid ah, in aanay heysan qalab fiican oo saamaxi karo in iyagoo bad qaba ay soo jilaabtaan kalluunka.
Taa baddelkeeda Kaluumeysatada ayaa isticmaasho doonyo qaraab ah, oo mararka qaar halis galisa noloshooda sida dhowr jeer oo hore ku dhacday, ilaa iyo iminkana lagama jawaabin codsiyo ay u dirsadeen dowladda dhexe, oo ay ka dalbadeen in laga caawiyo agab ay kalluunka ku soo jilaabtaan.