Wabiga Jubba ayaa fatahaado xoog leh waxaa uu weli ka sameeynayaa degaanno iyo degmooytin ka tirsan Gobolka Gedo, halkaas oo uu saameeyay Boqolaal Qoys oo ku nool meelo badan oo ka mid ah Gobolkaas.
Saacadihii la soo dhaafay waxa auu wabiga fatahad ka sameeyay degmooyinka Luuq iyo Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana uu baabi’iyay dalagyo dhowr ah oo ku yaallay Beeraha.
Boqolaal Qoys oo kamid ah dadka kunool degmooyinka Luuq iyo Baardheere ee gobolka Gedo ayaa fatahaada ka barakacay, kuwaas oo hadda xaalado daran ay ku heystaan degaano hoostaga degmooyinkaas.
Mas’uuliyiinta Maamulada Gobolka Gedo oo booqday Goobaha uu wabiga ka fatahaday ayaa sheegay in dadka ay saameeyeen fatahaadaha ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah in lala soo gaaro, iyaga oo baaq u diray dowladda Soomaaliya.