Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka iyo guulaha xoogan oo ay Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ka gaareen.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Al-Shabaab muddo 16 sano ah ay dhibaato ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, isla markaan aay dili jireen.
Wasiirka oo ka qeyb galayay Barnaamij ka baxayay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa degaanka ee Macawiisleyda ay guulo waaweyn ka gareen dagaalka Al-Shabaab, isla markaana degaano badan kala wareegeen.
Tan iyo markii Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ee Macawiisleyda ay billaabeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxaa ay la wareegeen degaano dhowr ah oo kuyaalla Maamulada Galmuudgt iyo Hir-Shabeelle.