Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku booriyey culimada Soomaaliyeed in ay hoggaamiyaan dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta oo ah mid lagu difaacayo diinta iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.
“Markii dalku halis galo dadkii hubka qaatay waxay ahaayeen culimada Soomaaliyeed oo ummadda ku hoggaaminayey difaaca dalkooda, maanta dadkeennii iyo diinteennii Khawaarij baa ku soo duushay waana in culimadu ay qaataan doorkooda hoggaaminta dagaalka Khawaarijta”.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay sanadkii labaad munaasadda siyaarada Sheekh Cabdulqaadir Jeylaani oo ka mid ahaa culimadii Islaamka ee ku soo dadaalay faafinta iyo difaaca Diinta Islaamka,ayaa ku dheeraaday doorka muhiimka ah ee uu Sheekhu ka soo qaatay barashada iyo difaaca diinta islaamka.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galeen Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, culima’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
TRENDING
- Maxaa ka soo kordhay Is-afgaradka ay kala saxiixdeen Mareykanka iyo Iran?
- Wadamada Ajiibay Baasaboorka Soomaaliga
- Khasaaraha ka dhashay dhulgariir ku dhuftay Venezuela
- RW Xamse oo kulamo ka wada Galmudug
- Dhaq-dhaqaaqa Nairobi oo maanta la xakameeyey sababo la xiriira Munaasabada xuska Gen Z
- QM oo $10 milyan ugu yaboohday Soomaaliya
- Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga dhexe oo maanta ka furmay Muqdisho
- Saciid Deni oo daah furay kalfadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Puntland
