(Hortabin Media) – Si rasmi ah ayey maanta guddiga doorashada Puntland ee loo soo gaabiyo PEC u shaaciyeen jadwalka doorashada maamulka Puntland, taas oo qabsoomeysa sanadka 2024-ka.
Sida lagu sheegay warka ka soo baxay guddiga doorashada, waxaa doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi la qaban doonaa 25-ka bisha February, ee sanadka soo socda.
Qorshahan ayaa u muuqda mid Hoggaanka Puntland loogu sameeyey muddo kordhin dadban, maaddaama waqtigiisa uu ku ekaa billawga bisha January ee sanadka 2024-ka.
Doorashada qabsoomeysa oo ah mid qof iyo cod ah, ayaa waxaa ka taagan khilaaf aad u ba’an, iyadoo mucaaridka kursi doonka ahna ay diidan yihiin tallaabooyinka uu Saciid Deni qaadayo.
Si kastaba gudaha Garoowe waxaa ka socda waan waan lagu xalinayo khilaafka dhanka siyaasadda ee jira, waxaana hor boodayo oo xalinta khilaafkan isu taagay isimada maamulkaasi.
WQ: Axmed Cabaas