Gudwha Soomaaliya waxaa ku soo kordhaya tirada dadka laga helayo xanuunka HIV AIDS, iyadoo lixdii bilood ee la soo dhaafay cudurka laga helay bukaano tiradoodu gaareyso 11-kun oo qof,
Sida uu cadeeyey guddiga ka hortaga xanuunkan ee Soomaaliya waxaa gudaha caasimada ka billaabatay wacyi galin loo sameynayo bulshada.
Si wacyi galinta loo ballaariyo guddiga ka hortaga HIV AIDS, ayaa siminaar ku wajahan khatarta xunuunkaasi u qabtay rdayda Jaamacadaha qaarkood, si ay bulshada ula wadaagaan digniinaha la soo siiyey.
Gudoomiyaha guddiga ka hortaga HIV/ AIDS ee Soomaaliya Axmed Maxamed Jimcaalle ayaa sheegay in dadka is qarinaya ay ka badan yihiin tirada la xaqiijiyey.
Waxa kale ee uu xusay in daawada kaalmaatiga ay tahay lacag la’aan, waxaana hadda qaata dad ka badan 4-kun oo si joogta ah u yimaadda xarumaha lagula tacaalo xanuunka.