Dowladda Soomaaliya ayaa si xowli ah u wada qorshaha dalka dib loogu soo celinayo ciidamada lagu soo tababaray dalka Ereteriya, kuwaas oo badankood la soo celiyey.
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya oo ciidamadaasi booqday ayaa ku dhiira geliyey dadaalka iyo dhabar adeega ay muujiyeen mudadii ay tababarka ku maqnaayeen.
Ciidamadan laga keenay dalka Ereteriya ayaa la filayaa in lagu xoojiyo furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobollada dhexe oo uu iminka ka socda guluf ka dhan ah Al Shabaab.
Dad badan ayaa aamisan in ciidamada ay wax badan ku soo kordhin karaan gulufka looga soo horjeedo Al Shabaab, waxaana lagu tuhmayaa in ay qabaan tababaro tayo sare leh.
Dowladda Soomaaliya ayaa sanadihii ugu danbeeyey waday dadaalo ay ku qoroneyso ciidamo fara badan, kuwaas oo laga doonayo in ay Al Shabaab dalka ka xoreeyaan mudada uu kursiga ku fadhiyo Xasan Sheekh, sida ballan qaadkiisa ahayd.