Sida wararku sheegayaan qof isku soo xiray walxaha qarxa, ayaa isku qarxiyey maqaaxida Blue Sky, oo ku taalla agagaarka Tiyaatarka Muqdisho.
Qaraxa ayaa dhaliyey khasaare kala duwan, inkastoo weli aan la heynin tiro sugan.
Sida ay ilo wareedyo inoo sheegeen, xilli uu qaraxu dhacayey maqaaxida ayaa ahayd mid mashquul ah, waxaana ku caweynayey dad aad u fara badan.
Wixii warar ah ee ku soo kordha arrintan, kala soco wararkeena xiga hadduu alle raalli ka noqdo.