Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray saacadihii ugu danbeeyey qeyb ka mid ah ciidamadii lagu soo tababaray dalka Ereteriya.
Ciidamadan oo aan tiradooda la shaacin, ayaa ka soo degay garoonka Muqdisho, waxaana imaanshahooda uu daba joogaa safarkii uu Xasan Sheekh ku tagay Eriteriya.
Ciidamadan ayaa la filayaa in ay qeyb ka noqdaan wajiga labaad ee dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab, waana kuwo qaba tababaro kala duwan.
Imaashaha ciidamadan ayaa ku soo beegmaya xilli ay dalka ka socdaan dagaallo looga soo horjeedo Al Shabaab, kuwaas oo guullo laga soo hoyey.