Dowladda Soomaaliya ayaa hoggaan ka noqotay shir weynaha caafimaadka adduunka, kaas oo looga hadlay arrimo kala duwan, isla markaana ay soo qaban qaabisay hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.
Waxaa kulankan shir gudoomiyey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Cali Caaji, wuxuuna ka dhacay dalka Masar, iyadoo uu goobjoog ka ahaa shirka safiirka Soomaaliya ee dalka Masar ahna wakiilka joogtada ah ee ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheekh.
Wasiirka Caafimaadka ayaa ka warbixiyey heerka uu marayo caafimaadka Soomaaliya, isagoo tibaaxay muhiimada ay leedahay in Soomaalidu helaan caafimaad dhameystiran.
Wasiirka Caafimaadka ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda colaadeed ee ka taagan bariga dhexe, gaar ahaan dagaalka Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, wuxuuna ku baaqay in dagaalka la joojiyo wax walbana wada hadal lagu xaliyo.