Waxaa Garoowe ku soo idlaaday shir ay qabsadeen siyaasiyiinta Mucaaridka ku ah Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni.
Shirka ayaa waxaa ka soo baxay War Murtiyeed nuxurkiisu ahaa in aan laga dib dhicin waqtigii la qaban lahaa doorashada maamulkaasi.
Mucaaridka Puntland oo ah siyaasiyiin kursi doon ah, ayaa ka digay in muddo kordhin uu sameeyo Deni, taas oo ay sheegeen in ay caqabad ku noqoneyso hanaanka dimuqoraadiyada.
Waxey sidoo kale dalbadeen in Madaxweynuhu uu u dhaga nuglaado baaqooda, si xaaladda Puntland ay ugu nagaato xasilooni.
Si kastaba mudooyinkii ugu danbeeyey siyaasiyiinta mucaaridka ayaa waday dadaalo ay ku doonayaan in doorashada Puntland lagu qabto waqtigeeda, iyagoo Deni ku eedeynayey inuu damacsan yahay muddo kordhin.