(Hortabin Media) – Ciidamada Dowladda, iyo xooggaga Macawiisleyda, ayaa shalay ku dagaallamay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, oo ka mid ah meelaha uu ka socda abaabulka dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab.
Xiisada dhinacyada u dhaxeysa oo ilaa maanta la wado xalkeeda, ayaa timid kadib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda uu dilay nin ka mid ahaa Macawiisleyda.
Dagaalkii dhex maray labada dhinac oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa abuuray kala shaki aad u ballaaran, kaas oo saameyn ku yeelan kara gulufka ka dhanka ah Al Shabaab.
Dadka falanqeeya amniga ayaa ku doodaya in xiisadan ay abuuri karto kala shaki, waana mid fursad siineysa Al Shabaab, maaddaama ay colaad ka dhex abuurantay ciidamadii isku mowqifka ahaa.
Qubaradan ayaa ku baaqaya in arrintan la soo fara geliyo oo aan la dhayalsan, waxaana sida ay sheegeen xalinta xiisadan door muuqda ka ciyaari kara madaxda sare ee dalka iyo kuwa gobolka Hiiraan, oo laga doonayo in ay dhinacyada isku soo dhaweeyaan.